Madaxweynaha Somaliland oo mudda kordhin laba sano ah loo sameeyay

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in mudda kordhin loo sameeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Golaha guurtida Somaliland ayaa saaka fadhi ay yeesheen mudda kordhin ugu sameeyay madaxweyne Muuse Biixi kadib markii cod loo qaaday arrintaas.

Golaha guurtida ayaa sheegay in ay mudda laba sano ah ku kordhiyeen xil-haynta madaxweynaha Somaliland.

Guurtida Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in ay dhankooda samaysteen mudda kordhin shan sanno ah.

PUNTLAND POST