Roobabka deyrta oo xalay ka da’ay qayba kamid ah Puntland

Roobabka deyrta ayaa ka da’ay degaanno badan oo ka tirsan Puntland.

Roobabka ayaa xalay miray inta badan degaannada Gobolka Nugaal oo ay ka jirtay abaar daran.

Gobolka Mudug qayba kamid ah oo ay ku jirto magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale roobsaday.

Dhinaca kale dhul ballaaran oo ka tirsan Gobollada Sool iyo Cayn gaar ahaan dhanka Hawdka ayaa roobsaday.

Roobabka ayaa ku soo beegmay xilli abaar iyo biya la’aan ka jirtay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

PUNTLAND POST