Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hub iyo saanad ciidan ka dalbaday dowladda Itoobiya sida laga soo xigtay mas’uul ka tirsan Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo kamid ah wefdiga madaxweynaha ku wehlinaya safarka Itoobiya ayaa sheegay in ay dalkaas ka raadinayaan kaalmo hub iyo saanad ah oo lagu wajaho dagaalka Al-shabaab.
“Madaxweynuhu wuxuu ku baaqay dagaal, shacabka oo ka jawaabaya baaqiisa ayaa hubka qaatay, hadda madaxweynuhu wuxuu dalka Itoobiya ka raadinayaa kaalmo dhanka dagaalka ah, Itoobiya waxay ka mid tahay wadamada hubka sameeya,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad oo VOA-da u waramay.
Cali Balcad ayaa intaasi ku daray in Dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ay Soomaaliya iyo Itoobiya iska kaashanayaan waxaana uu meesha ka saaray in wax uun madmadow ah ay ku jiraan xiriirka labada dal.
PUNTLAND POST