Villa Somalia oo ka hadashay safarka Xasan Sheekh ee Addis Ababa

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunra dalka Itoobiya, waxaana garoonka diyaaradaha Bole ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadashay safarkaas ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan uu Madaxda dalka Itoobiya la yeelan doono wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan xal u helidda caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia aya lagu yiri “Madaxweynaha ayaa Madaxda dalka Itoobiya la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan xal u helidda caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal”.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in dalalka Gobolku ay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan dabar-goynta argagixisada Al-shabaab oo caqabad ku ah xasilloonida iyo nolasha shucuubta geeska Afrika, horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo wax-wada qabsiga” ayaa la raaciyay.

Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa madmadow soo galay xiriirkii Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo sababtay in dowladda Abiy Ahmed toos ula macaamisho madaxda dowlad goboleedyada.

PUNTLAND POST