Madaxweyne Deni oo aan dheg jalaq u siin hadalkii guddoomiyaha baarlamaanka

Wasiirka cusub ee Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa maanta xilka kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaraddaas Cawil Sheekh Xaamud Maxamed.

Xil wareejinta ayaa ku soo aaday xili shalay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan) uu waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaarinta ay Maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal dhaarisay mas’uuliyiinta magacaaban.

Guddoomiye Abwaan wuxuu sheegay in dhaarinta Maxkamadda Rafcaanka ka hor imanayso qodobka 132-aad ee Dastuurka Puntland oo sheegaya in qof kasta oo xil-sare ka qabanaya Puntland ay dhaarinayso Maxkamadda Sare.

Baarlamaanka Puntland ayaa shalay ogolaaday codsi uga yimid madaxweyne Deni, kaas oo ahaa in 30 cisho dib loogu dhigo magacaabista xubnaha garsoorayaasha Maxkamadda Sare.

Madaxweyne Deni ayaa labo jeer oo hore magacaabay garsoorayaasha Maxkamadda Sare, hase ahaatee waxaa diiday baarlamaanka.

PUNTLAND POST