Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in dhowaan dalka lagu soo celinayo Ciidamada ku maqan Eritrea

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan waddanka  Eritrea dhowaan dalka lagu soo celinayo si ay qayb uga noqdaan dagaalka lagu sifayno Al-shabaab.

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Ciidamada lagu tababaray dalka Eritrea ay qayb ka noqon doonaan duullaanka ka dhan ka ah Al-shabaab.

Hadalka wasiirka Arimaha gudaha ayaa imaanayaa xilli maalmahan dagaallo xoogan oo lagula jiro Al-Shabaab ay ka socdaan qeyba kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST