Aadan Barre Ducaale oo loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga Kenya

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa maanta magacaabay qaar ka mid ah golihiisa wasiirada cusub, waxaana xubnaha la magacaabay ka mid ah xidhibaan Aadan Barre Ducaale oo loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga dalkaas.

Xildhibaan Aadan Barre waa mudane laga soo doorto deegaanka Gaarisa Township ee Ismaamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale sida uu horay u sheegay waxay muddo 20 sano ah saaxiibo dhow ahaayeen William Ruto, wuxuuna aad uga dhex-muuqday ololihii doorashadiisii.

Aadan Barre wuxuu 2008 soo noqday wasiir ku-xigeenka xannaanada xoolaha dalka Kenya, wuxuu sidoo kale soo ahaa guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka iyo guddoomiye ku-xigeenkii xisbiga ODM ee uu hoggaamin jiray Raila Odinga.

Xubnaha kale ee Madaxweyne Ruto magacaabay waxaa ka mid ah Alfred Mutua oo noqday wasiirka arrimaha dibedda, Kithure Kindiki oo loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo Moses Kuria oo noqonaya wasiirka ganacsiga iyo warshadaha.

PUNTLAND POST