Ganacsato ka soo jeeda Cadaado oo lagu dilay Muqdisho

Marxuum Guuleed iyo marxuum Jugle

Waxaa maanta suuqa weyn ee degmada Wadajir lagu diley ganacsade Daahir Cabdullaahi Maxamuud oo loo garan-ogaa Daahir Jugle, kaas oo ka mid ahaa ganacsatada kasoo jeeda magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Koox dhalinyaro ah oo bistoolado ku hubaysan ayaa la sheegay in ay fuliyeen dilka ganacsadaha, iyagoo markaas kaddibna goobta ka baxsadey.

Dilka ganacsade Daahir Jugle ayaa yimid maalin kaddib markii dhaawac halis ah oo loogu geystay suuqa Bakaaraha uu u geeriyooday ganacsade lagu magacaabo Guuleed Cali Aw Aadan oo isaguna ahaa ganacsade ka soo jeeda Cadaado.

Ma jirto cid sheegatay dilalka ganacsatada reer Cadaado, hase ahaatee waxaa lala xiriiranayaa Al-shabaab oo horay u sheegay in ay beegsan doonaan beelaha ka qaybqaadanaya dagaalka lagu la jiro.

PUNTLAND POST