Puntland oo heegan gelisay ciidamada ku sugan Mudug

Ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Gobolka Mudug ayaa heegan buuxa la geliyay sida ay wararku xaqiijinayaan.

Xeebaha degaannada Gobolka Mudug oo ay ku jirto magaalada Garacad ayaa sidoo kale lagu daabulay ciidamo ka tirsan PMPF oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka.

Tallaabadan ayaa Puntland qaadday xilli la sheegayo in ay ururka Al-shabaab dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaanno ay ka mid yihiin degmada Xarardheere oo ka tirsan gobolka Mudug.

Al-shabaab waxaa dagaalo xoogan kaga socdaan qaybo ka mid ah gobollada Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan, dagaaladaas oo ay ka qaybqaadanayaan maleeshiyo beeleedyada Macawisley.

PUNTLAND POST