Hirshabeelle: Yuusuf Dabageed oo wasiir shaqada ka joojiyay

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle ahna kusimaha Madaxweynaha Yuusuf Axmed Hagar (Dabaheed) ayaa shaqo ka joojin ku sameeyay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Hirshabeelle.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay Wasiirka Caafimaadka Sakariye Maxamed Axmed Nuur, oo lagu eedeeyay kutakrifal awoodeed iyo hubsiimo la’aan mas’uuliyadeed.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa faray Waiir ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka inuu sii wado shaqada Wasaaradda.

PUNTLAND POST