Guddiga doorashooyinka Somaliland: Doorashada Madaxatooyada ma qaban karno 13-ka November

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in doorashada Madaxatooyada ee qorshaysnayd 13-ka Nov. 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Muuse Biixi aanay qaban karin.

Guddigu waxay tilmaameen in farsamo ahaan ku qaban karaan doorashada Madaxtooyada Somaliland muddo sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1 October 2022.

Guddiga waxay sheegeen in ay mudda sagaalka bilood ah ku diyaarinayaan arimaha farsamo ee ay u baahan tahay diiwaangalinta codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Go’aanka guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa ka dhigan in muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi, taas oo ay si adag uga soo horjeedaan mucaaradka.

PUNTLAND POST