Cabdullaahi Janno oo soo saaray buug cusub oo ilmaha loogu talo galay

Qoraaga Soomaaliyeed ee reer Minnesota, isla markaasna ka tirsan qorayaasha gobolkaas Cabdullaahi M. Sooyaan (Cabdullaahi-Janno) ayaa dhowaan ku soo ban- dhigay xarunta Soomaal House of Art buug loogu talo galay ilmaha yar-yar oo ku qoran luuqadda ingiriiska, laguna magacaabo When River Stopped Singing To Cloud. Qoraaga oo horayba caan ugu ahaa qoraallada maqaallad arrimaha siyaasadda iyo bulshada, waxaa uu horey u soo saaray buuggiisii caanka ahaa ee DHakafaar oo la shaaciyay 2017kii.

Cabdullaahi-Janno ayaa buuga uu maanta soo ban-dhigay loogu talo galay ilmaha yar-yar ee mujtamaca Soomaaliyeed. Buuggan oo lagu soo ban-dhigay xafllad kooban oo lagu marti qaaday qaar ka mid ah qorayaasha gobolka, ilmo dhigta dugsiyada hoose, waalidiin, iyo marti Sharaf kale ayuu Qoraaga si kooban u guud maray ujeeddada buugga iyo sababihii isagu ku dhaliyay inuu qoro.

Intii uu socday ban-dhigga buugga ayaa qoraagu wuxuu ka jawaabay weydiimo ay u soo jeediyeen caruurtii ka soo qeyb gashay ban-dhigga iyo qaar ka mid ahaa dadkii martida ahaa ee iyagana ka mid ahaa ka soo qeyb galayaasha. Waxaa ilmaha yar-yar soo jiitay magacyada shakhsiyaadka (Characters) sheekada ku jiray, sida; Magan, iyo Awoowe. Waxaa kaloo runtii ay ka fekerayeen Awoowe oo ah shakhsiyadda muhiimka sida uu ugu dadaalayo biyaha in la baykhaamiyo ama la tashiilo isagoo u sheekeyniya waayaha uu ka soo maray.

Qoraaga laf ahaantiisa ayaa intii uu hadlayay tilmaamay in waayo aragnimo taas la mid ah uu ku soo maray xeryaha qaxootiga xilli uu waliba ahaa nin markaas soo barbaaraya, waxaan uu caruurta uga sheekeeyay dhibaatada biyo la’aanta ee meelo badan oo dunida ka mid ah maanta ka jirta. Cabdullaahi-Janno, ayaa sidoo kale tilmaamay in buuga uu yahay mid wax-barasho oo loogu talo galay in ardayda yar-yar ay helaan buugaag ay xiiseeyaan oo jecleysiiya wax aqriska isla markaasna la heer ah nolol-maalmeedkooda “Marar badan ayaad maqleysaa hooyo ama aabbe aroortii markay ilmaha ilkaha cadayanayaan ku qeylinaya Biyaha Xir!… ama ilmaha ku canaananaya biyo ay furnaan uga tageen!” ayuu yiri Cabdullaahi-Janno.

Buugga oo ah buug-sawireed ilmaha loogu talo galay ayaa waxaa ku xardhan sawiro ilmaha yar aad u soo jiidanaya, oo si gaar ah u muujinaya dhaqanka iyo hu qaadashada qofka Soomaaliga ah, waxaana qaar ka mid ah martidii ka soo qeyb gashay ban-dhiggaas ay ku tilmaameen buuggan inuu yahay mid la jaan qaadi kara heerka wax- barashada ilmaha yar-yar ee dhigta dugsiyada hoose isla markaasna sawir fiican ka siinaya dadkooda.

PUNTLAND POST