Puntland: Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday ee la magac dilay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa marar kala duwan mas’uuliyiin xilalka uga qaaday eedo musuqmaasuq, hase ahaatee waxaa la dhihi karaa waa kuwo dambi la’aan ah sida uu qabo sharciga caalamiga ah iyo kan Puntland, maadaama aysan jirin dacwad lagu soo oogay iyo dambi maxkamad ku heshay.

Shaqsiyaadkaas waxaa ka mid ah guddoomiyihii hore ee degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre), guddoomiyihii hore ee degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, guddoomiyihii hore ee degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali (Xaaji Sayn) iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri).

Qaabka loo maray xilka qaadistooda

December 26, 2020: Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa qoraal uu soo saaray shaqada kaga joojiyay duqii Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali (Xaaji Sayn), waxaana Hanti-dhawrka Guud ee Puntland uu baaritaan ka bilaabay degmadaas.

January 12, 2021: Madaxweyne Deni ayaa xeer Madaxweyne ku kala diray Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo, wuxuuna cuskaday warbixin uu Hanti-dhawrku ka soo saaray degmadaas.

March 9, 2021: Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, wuxuuna faray Hanti-dhawrka in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta degmadda Boosaaso.

March 11, 2021: Madaxweyne Deni ayaa xeer Madaxweyne ku kala diray Golaha Deegaanka degmada Boosaaso, wuxuuna cuskaday warbixin uu Hanti-dhowrku ka soo saaray degmadaas.

August 24, 2021: Hanti-dhawrka Guud ee Puntland, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu shaqada ka joojiyay Agaasimaha wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri). Hanti-dhawrka wuxuu warqaddiisa ku sheegay in uu baaris ku wado Wasaaradda Waxbarashada Puntland, islamarkaana natiijada hordhaca ah ay muujinayso in ay jirto lunsasho hanti dadweyne.

March 30, 2022: Madaxweyne Deni ayaa xilkii ka qaaday Agaasime Farmayeeri, wuxuuna ku baddelay Maxamed Cali Nuur (Jubba).

September 15, 2022: Madaxweyne Deni, ayaa xeer Madaxweyne ku kala diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe, wuxuuna cuskaday warbixin ka soo baxday Hantidhawrka Guud ee Puntland.

Sharciga oo la baalmaray

Sida sharciga ah, Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Puntland waxa uu baaritaan walba oo ka soo baxo fal-dambiyeed u gudbiyaa xafiiska xeer ilaalinta. Xeer ilaalintuna waxay adood u leedahay in ay soo eedeyso qofkaas, haddii uu xasaanad leeyahayna ka dalbato cidda ay qusayso in laga hakiyo, intaas wixii ka dambeeya maxkamad ayaa awood u leh in ay shaqsigaas bariyeesho ama dambi ku hesho.

Taasi waxay ku tusaysaa in mas’uuliyiinta lala xiriiriyay eedaha musuqmaasuqa ee hadana aan sharciga la marin lagu xadgudbay oo la dhaawacay sharaftooda shaqsiyadeed, ilaa iyo haddana ay yihiin dhibanayaal.

Mas’uuliyiinta Hanti-dhowrka Puntland ayaa lagu eedeeyaa in ay yihiin kuwo aan si madax bannaan u gudan waajibaadkooda dastuuriga ah, isla-markaasna madaxtooyadu farta ugu fiiqdo hadba cidda ay rabto, halka iyaguna ku doodaan miisaaniyad yari haysata awgeed ay saameyso gudashada shaqadooda.

PUNTLAND POST