In ka badan 1,300 oo qof ayaa xabsiga la dhigay, ka dib mudaharaado xooggan oo ka dhacay waddanka Ruushka.
Muddaharaadkaas ayaa sida wararku sheegayaan looga soo horjeedaa go’aanka madaxweyne Putin ee ku aaddan in la abaabulo qaybo ka mid ah dadka rayidka ah si ay uga dagaalamaan dalka Ukraine.
Kooxda dabagalka ee lagu magcaabo OVD-info ayaa diiwaangelisay in la xiray ugu yaraan 1,332 qof oo ka qaybgelayay dibad-baxyo ka kala dhacay illaa 38 magaalo oo dalka Ruushka ah ka dib go’aanka Putin.
Mudaharaadadan ayaa ahaa kuwii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca dalka Ruushka tan iyo markii ay bilowdeen hawlgallada uu Ruushku ka fulinayey dalka Ukraine bishii February ee sannadkan.
PUNTLAND POST