Dagaal ka socda meel u dhow Dhuusamareeb

Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda federaalka iyo Al-shabaab ayaa ka socda deegaannada Sino-dhaqo iyo Labidulle oo dhanka koonfur ka xiga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weerarka soo qaadeen, ilaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Deegaannada Sino-dhaqo iyo Labidulle oo aad ugu dhow dhow caasimadda waxaa maalmo ka hor Al-shabaab kala wareegay ciidamada dowladda federaalka.

PUNTLAND POST