Madaxweyne Deni oo qaabilay madax ka socotay hay’adda Finish Red Cross

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Finish Red Cross ee Dalka Finland, oo ay hoggaaminayso Madaxa Hay’addaasi ee Soomaaliya Terhi Heinasmaki.

Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha gargaarka, gurmadka Abaaraha iyo horumarinta habka wada shaqeyn ee Dowladda iyo Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeynaya arrimaha bani’aadantinimada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Awooda Dowladda iyo Hay’adaha kala duwan ee la shaqeeya la gaarsiiyo heer loo diyaariyo in laga jawaabi karo masiibooyinka dabiiciga ah ee yimaada. Iyadoo Istiraatijiyad arrintaasi lagu hirgelinayo laga shaqeynayo.

Shirka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

PUNTLAND POST