Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Guddoonka Baarlamanka ayaa kulan gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin Caawa ku yeelanaya Xarunta Madaxtooyada Garoowe.
Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa xaqiijinaya kulanka Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamanka.
Inkasto aysan weli soo bixin xogta la xiriirta Ajandaha kulankan haddana Labada dhinac ayaa la rumaysan yahay in ay ka wada-hadlayaan arrima siyaasadeed.
PUNTLAND POST