Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galay furitaanka shirka Golaha Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York ee dalka Maraykanka kaga qeyb-galay furitaanka shirka 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagaga arrinsanayo yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka la hayb sooco.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasiiloonida iyo nabadda, dagaalka ka dhanka argagixisada, wax ka qabashada abaaraha iyo gurmadka degdegga ah iyo dhammaan caqabadaha ka jira dalka Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ay ka wadaan Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey olole ku aaddan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, si uu u adkeeyo danaha iyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan waxaa ku wehelinayey shirkan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Madaxa Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cusmaan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND POST