Eedaymo ka dhan ah mas’uuliyiin dowladeed oo loo gudbin doono Baarlamanka Puntland

Guddi gaar ah oo Baarlamanka Puntland u xil-saaray xog-ururinta natiijadii ka soo baxday la-xisaabtanka xukuumadda ayaa isu diyaarinaya in ay dhowaan soo gudbiyaan warbixintooda.

Guddoonka Baarlamanka ayaa shalay guddigaas u yeeray si ay warbixin uga siiyaan xog-ururintii ay ka sameeyeen la-xisaabtanka xukuumadda balse guddigu faahfaahin kama bixin arrintaas.

Guddiga ayaa ka sheegay in ay dib ka soo gudbin doonaan warbixinta ku saabsan shaqadii loo diray ee xog-ururinta la-xisaabtanka xukuumadda.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in warbixinta guddigaas ay ku jiraan eedaymo loo jeedinayo mas’uuliyiin dowladeed si Baarlamanku tallaabo uga qaado mas’uuliyiintaas.

Baarlamanka ayaa lagu wadaa in uu fadhi yeesho Isniinta soo socota oo ku beegan 26 September markaas oo loo soo gudbin doono warbixino ay ku jirto tan la-xisaabtanka xukuumadda.

PUNTLAND POST