Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed (Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo xubno ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, siyaasadda, abaaraha, matalaadda haweenka, dhallinyarada iyo beelaha laga tirada badan yahay ee maamulka iyo qaab dhismeedka hogaaminta.
James Swan ayaa sheegay in ay Qaramada Midoobay ka go’an tahay taageerada maamulka Jubaland ee dhismaha goleyaasha deegaanka.
PUNTLAND POST