Cali Dheere oo ka hadlay abaabulka ka dhanka ah Al-shabaab

Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), afhayeenka kooxda Al-shabaab ayaa ka hadlay abaabulka shacabka ee ka socda qaybo ka mid ah gobolada dalka oo looga soo horjeedo ururkooda.

Cali Dheere ayaa sheegay in ay beegsan doonaan beelkasto oo lug yeelata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale afhayeenka Al-shabaab wuxuu ku baaqay in dadka rayidka ah ka fogaadaan goobaha dowladda oo uu sheegay in ay u yihiin bartilmaameed.

Cali Dheere ayaa hadalkan ka jeediyay goob ay Al-shabaab ku soo bandhigtay ciidamo la sheegay in tababar loo soo xiray.

PUNTLAND POST