Qarax lagu laayay nabaddoono caan ah oo ka dhacay Gobolka hiiraan

Wararka ka imaanaya nawaaxiga degaanka Buq Aqable oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay qarax lagu laayay odayaal nabaddoono ah.

Qarax oo ahaa nooca miinada dhulka la geliyo ayaa sida wararku sheegayaan lala beegsadya gaari ay wateen nabaddoonada oo ku sii jeeday degaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in nabaddoonada qarax lagu laayay ay ku jiraan nabaddoon Yuusuf Fiidow Faarax nabaddoon Xasan Xuseen Lugayare iyo nabaddoon Mukhtaar Xaaji.

Sidoo kale waxa qaraxaas ku geeriyooday wiil uu dhalay nabaddoon Yuusuf Fiidow Faarax oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Yuusuf Fiidow halka ay ku dhaawacmeen nabaddoono kale sida dowladdu sheegtay.

Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaraxaas nabaddoonada lagu laayay ku eedeeyay kooxda Al-shabaab inkastoo Al-shabaab aysan sheegan.

PUNTLAND POST