In ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya xalay ku dileen degaanka Abooreey oo qiyaastii 25Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan sida ay sheegtay dowladdu.
“Ciidanka Xoogga dalka ayaa xalay abaaro labadii habeenimo saq dhexe dagaal kula galay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab deegaanka Abooreey, ciidanka xoogga dalka oo sii haayay xogta dhagarta Argagixisada ayaa gaarsiyay jab xoog leh, iyada oo dhanka kale ay dhaawacyo soo gaareen shan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale u mahad celisay cid kasta oo ka qayb-qaadatay hawlgalkaas la sheegay in lagu dilay dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.