Maalin dhawayd wuxuu la-taliyaha xagga amniga Xuseen Sheekh ee madaxwayne Xasan Sheekh dulsaarnaa Markab ciidamada badda ee Maraykanka oo Muqdisho u soo dhawaaday. Runtii la-taliyihu aad buu u faraxsanaa markaa si dhaw u fiiriso sawiradii uu la wadaagay baraha bulshada.
Muddo yar kadib Madaxwayne Xasan Sheekh wuxuu booqasho ku bixinayaa dalka Maraykanka. Booqashada Xasan Sheekh waxay kaga duwan tahay booqashooyinkii madaxwaynayaasha Soomaalidu ku tagi jireen dalka Maraykanka in Xasan Sheekh maamuus iyo shirar loogu sameeyay aqalka Pentogan ee xarunta u ah Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka.
Faalloodeyaal badan baa iswaydiiyay maxaa Xasan Sheekh safarkiisa uu uga bilaabay aqalka Pentogan oo lagu maamuuso wasiirada gaashaandhiga iyo taliyeyaasha milatariga ee waddamada shisheeye?
Waxaan shaki ku jirin in Xasan Sheekh uu kaalmo milatari iyo mid diblomaasiyadeed uu u doontay dalka Maraykanka, waayo dowlada Xasan Sheekh waxay dagaal u caddaysatay kooxda aragagixisada ah ee Shabaab oo xasuuq joogto ah ku hayay ummada Soomaaliyeed ilaa iyo sannadkii 2007 oo ay ahayd markii la asaasay.
Waxaa kale oo xaqiiqo ah taageerada Xasan Sheekh ee dalka gudihiisa durba xiisihii loo qabay inay si xawaare leh ay u uumibaxaysay billihii la soo dhaafay oo imika Xasan Sheekh wuxuu dareemayaa tabardari siyaasadeed iyo loollan aan weli soo shaacbixin oo isaga iyo dowlad goboleedyada durba ka dhex bilowday.
Ilaa bilowgii qarnigaan dowlada Maraykanku waxay loollan istaraatiijiyadeed kula jirtay dalka Shiinaha oo hadda cuddudiisa dhaqaale iyo milatariba kordhinayay ilaa saamaynta Shiinuhu soo gaartay gobolkeena Geeska Afrika ee istaraatiijiga ah. Dalka Shiinuhu wuxuu saldhig Milatari ku leeyahay dalka Jabuuti ee Soomaaliya deriska la ah.
Dhinaca kale, dagaalka Ruushku ku weeraray dalka Yukrayn ayaa isna soo celiyay dagaalkii qaboobaa ee Ruushka iyo Maraykanka u dhexeeyay. Waxaa la oran karaa Soomaaliya oo ku taal gobol istaraatiiji ah waxay liishaan u noqotay hadda tartanka dowladaha waawayn ee dunida.
Waxaa labadii billood ee la soo dhaafay jiray booqasahooyin rasmi ah oo saraakiil Maraykan ah ay dekada iyo garoonka Berbera ee ‘Somaliland’ ku samaynayeen.
Magaalada Washington iyana waxaa ka bilowday dhaqaaq xildhibaano u olloleeya kala go’a Soomaaliya inay diyaariyeen sharci dowlada Maraykanka ku riixaya inay aqoonsato ‘Somaliland’ ama ugu yaraan si gaar ah loola macaamilo, inkasta oo sharcigaas goor dambe uu Baarlamaanka Maraykanku diiday.
Imika waxay u muuqataa dowlada Maraykanku debaca siyaasadeed ee Xasan Sheekh inay uga faa’iidaysanayaan inay ka saxiixdaan heshiisyo milatari oo ay ku saxayaan istaraatiijiyadooda gobolka Geeska Afrika.
Waxaa laga yaabaa Maraykanku mar labaad Berbera inay ka dhigtaan saldhig milatari oo rasmi ah, iyada oo Xasan Sheekh looga badalanayo taageero milatari iyo mid diblomaasiyadeed ee ay dowlada Xasan Sheekh aadka ugu baahan tahay.
Waxaa laga yaabaa Maraykanku inay si isku-dhac la’aan ah oo u kala-dabqaadid ay ka dhex kalluumaysato maamulka gooni-goosadka ah ee ‘Somaliland’ iyo dowlada federaalka ah ee uu Xasan Sheekh hoggaamiyo.
‘Somaliland’ oo 1991dii ku dhawaaqay inay Somalia ka go’day ilaa hadda ma jirto aqoonsi dunida ay ka heshay. Muuse Biixi oo hoggaamiya gobolkaas waxaa ku furan mucaaradad qaraar oo ka imaanaysay xisbiyada mucaaradka ah oo ku adkaysanaya in doorashadu dhacdo xilligii loogu talagalay halka Muuse Biixi uu doonayo inuu waqtiga si sharcidaro ah u kororsado.
Maraykanku way ogyihiin in labada dhinacba (Muuse iyo Xasan Sheekh) ay siyaasad ahaan luudayaan oo ay u nugul yihiin in looga faa’iidaysto daruufaha kala haysta labada dhinac. Waxaa laga yaabaa in heshiisyo qarsoodi ah la galo maadaama shacabka Soomaaliyeed ee midnimada Soomaaliya aan ka gorgortamin ay kulaalayaan baraha bulshada oo si fudud looga gilgilan karo haddii ay soo baxdo dood ah in ‘Somaliland’ uu Maraykanku ula dhaqmo sida Taiwan.
Haddii sidaas wax u dhacaan waxaa laga yaabaa inay Xasan Sheekh ay ku keento kacdoon iyo mucaaradad bulsheed oo shacabka Soomaaliyeed uga timaada.
Dowlada Maraykanku xilligii dagaalkii qaboobaa ayay dowladii askarta ahayd ee uu hoggaaminayay Siyaad Barre waxay saldhiga Berbera kaga badalatay taageero siyaasadeed iyo hub lagu qiimeeyaay 1.8 bilyan doolar sannadkii 1982dii.
Qore: Faarax Jaamac
You must be logged in to post a comment.