
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxamed Cabduqaadir Cali oo ka qeyb galay Shirka maalgashiga Aduunka ee Dalka Switzerland ayaa kulan la qaateyn safiirka Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Geneva Amb. Ebyan Maxamed Saalax.
Wasiir ku xigeenka iyo Safiirka safaaradda,waxa ay ,waxa ay halkaasi isku dhaafsadeen arrimo ku saabsan xaaladda dalka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay horumrinta adeegyada bulshada,gaar ahaan kuwa ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dibadaha.
Wasiir ku xigeenka ayaa madaxda safaaradda ku boogaadiyay howsha hufan ee ay u hayaan bulshada, isagoo dhinaca kalena ku dhiirigaligaliyay inay laba jibaaraan dadaalada ay wadaan.
Safiirka Somali ee Switzerland ahna Ergayga Gaarka ah ee Xuququl Insaanka Amb. Ebyan Maxamed Saalax ayaa ka warbixiyay hannaanka shaqo ee ka socda safaaradda iyo howlaha kala duwan ee ay u qabtaan blshada Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.