
Nin ku eedaysan kufsi iyo dil ba’an oo dhowaan ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Sool ayaa gacanta lagu dhigay sida uu xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka guddiga KMG doorashooyinka Puntland Cali Jaamac Faarax oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Garoowe.
Mudane Cali Jaamac ayaa sheegay in baaritaan dheer kadib gacanta lagu dhigay nin ku eedaysan in uu kufsi iyo dil u gaystay marxuumad Aamina Faarax Colaad oo dhowaan meydkeeda laga helay miyiga Berda-dawanle oo ka tirsan degmada Taleex ee Gobolka Sool.
Dhacdadan ayaa waxa sidoo kale horay uga hadlay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Siciid Cabdi Muumin isagoo ku baaqay in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo cid kasta lala xiriiriyo falkaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.