Puntland oo caddaysay mowqifkeeda arrimaha shidaalka Soomaaliya

Puntland ayaa markale ku celisay in hindise sharciyeedka batroolka ee la ansixiyay 2020 uu yahay mid ka hor-imanaya dastuurka kumeel gaarka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-safaaxeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in xeerkan uu ka hor-imanayo qodobada 44-aad, 51-aad iyo 53-aad ee dastuurka KMG ah dowladda federaalka, sidoo kale uu ka hor-imanayo heshiiskii lahaanshaha, maamulka iyo wadaaga dakhliga khayraadka dabiiciga ah ee lagu gaaray shirkii Golaha Iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee Jun 5, 2018.

Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in xeerkani wiiqayo siyaasadda iyo hannaanka dhaqan dhaqaale ee Puntland, uuna ka hor-imanayo qodobka 54-aad ee dastuurka Puntland.

Puntland waxay tilmaantay in aad ugu xun tahay in dowladda federaalka ee hadda jirta ay ku adkaysanayso ku dhaqanka iyo hirgelinta xeerkaas.

Puntland waxay ugu baaqday Beesha Caalamka in arrimaha khayraadka iyo batroolka Soomaaliya ay ugula dhaqmaan si waafaqsan dastuurka kumeel gaarka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Puntland waxay ka digtay xisillooni darro amni iyo siyaasadeed oo uu keeni karo ku dhaqanka iyo hirgelinta xeerkaas, waxayna xustay in aysan ku dhaqankiisa qayb ka ahayn inta ay wadahadal ka yeelanayaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

PUNTLAND POST