kumaandooska xoogga dalka Soomaaliya ee Danab ayaa xalay degaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan waxay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigii ugu weynaa ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaankaas.
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raage oo saaka la hadlayay wakaaladda SONNA ayaa xaqiijiyay in howlgalkaas lagu dilay in ka badan 18 dagaallame oo ka tirsanaa Al-shabaab.
Sidoo kale howlgalka waxaa lagu burburiyay saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Buq Aqable oo qiyaastii 90 KM Koofur uga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan sida uu sheegay Taliye Odawaa.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo beeleedyo hubaysan ayaa dhowaanahan hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxay ka wadaan Gobolka Hiiraan.
PUNTLAND POST