Guddoomiyeyaal cusub oo loo magacaabay degmooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maamulo cusub oo kumeel gaar ah u magacaabay degmooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Madaxweyne Deni ayaa guddoomiyaha KMG ah ee degmada Boosaaso u mgacaabay Xasan Cabdalle Xasan, halka uu guddoomiye ku-xigeen u magacaabay Siciid Cabdiraxmaan Maxamed.

Dhanka Madaxweynaha Puntland ayaa guddoomiyaha KMG ah ee degmada Gaalkacyo u magacaabay Xassan Maxamed Jaamac.

Degmooyin Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa dhowr sano la ahayn Gole Deegaan, waxaana maamulayay maamulo KMG ah oo magacaabay Madaxweyne Deni.

POUNTLAND POST