Deni oo kala diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne ku kala diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.

Madaxweyne Deni wuxuu kala dirida Golaha Deegaanka Degmada Garoowe u cuskaday warbixin ka soo baxday Hantidhawrka Guud ee Puntland iyo talo soo jeedin uga timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi)

Madaxweyne Deni ayaa guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee degmada Garoowe u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) oo ahaa agaasime ka tirsan madaxtooyada Puntland, halka uu soo celiyay guddoomiye ku-xigeenkii hore Maxamed Cali Maxamed (Xamari).

Golaha la kala diray waxaa muddo xiliyeedkooda ka harsanaa 11 bilood, waxaana dadka qaarkii ku ammaani jireen in ay shaqo wanaagsan ka qabteen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

PUNTLAND POST