Xagee ku dambaysay lacagtii Imaaraadku ugu deeqay abaaraha Soomaaliya?

Dowlad goboleedyada ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan weli bixin lacag dhan 9.6 milyan oo doolar oo loogu talagalay abaaraha, taas horay u bixisay dowladda Imaaraadka Carabta.

Hadalkan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed wadajir oo ay maanta soo saareen Wasiiradda Wasaaraddaha Gargaarka iyo Maareynta Masiinooyinka dowlad goboleedyada, kaddib shir labo maalmood uga socday magaalada Baydhabo.

Arrintan ayaa ku soo aaday, iyadoo maalin ka hor ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ka heshiiyeen khilaaf ka taagnaa qaybsiga lacag dhan 100 milyan oo doolar oo ku deeqay Bankiga Adduunk.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa bishii Maajo ee sanadkan waxay gurmadka abaaraha Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 9.6 milyan oo doolar, lacagtaas oo sanadkii 2018 lagu qabtay garoonka Muqdisho, balse sanadkan dib loogu celiyay.

PUNTLAND POST