Wasiir Al-Cadaala “Al-shabaab ayaa isku dira beelaha Soomaaliyeed”

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf  Al-Cadaalla ayaa sheegay in markii laga awood roonaaday Al-shabaab ay bilaabeen in ay iska hor keenaan beelaha Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka oo ka qeyb galayay munaasabad lagu xusay maalinta dalxiiska oo lagu qabatay Muqdisho ayaa dadka Soomaaliyeed uga digay dhagarta Al-shabaab ee ah in beelaha Soomaaliyed ay iska horkeenaan,islamarkaana ay adeegsanayaan dad sheeganaya Siyaasiin.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta ayaa intaa ku daray in ay ku daba jiraan dad kooxda u qaabilsan iska horkeenida Qabaa’ilka Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliyeed waxay ka shaqeysaa in dadku noolaadaan oo hormar sameeyaan, halka Al-Shabaab ay la daba joogaan burburin, dil iyo dalkaan uu dhibaato ku sii jiro,” Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Hadalka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaliya ayaa imaanayo xilli uu dalka ka bilowday kacdoon beelaha Soomaaliyeed isaga xoraynayaan kooxaha Al-shabaab.

PUNTLAND POST