Taliyaha Booliiska Puntland oo la kulmay Taliyaha Booliiska dalka Sweden

Taliyaha Booliiska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi oo ay weheliyaan saraakiisha hoggaanada Ciidanka ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Booliiska dalka Sweden.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada Booliis gaar ahaanna is dhaafsiga khibradda dhinaca sugidda Amniga doorashooyinka qof iyo cod.

Puntland ayaa u diyaar-garoobaysa dhammaystirka doorashooyinka qof iyo cod oo horay looga qabtay saddex degmo islamarkaana degmooyinka oo dhan la doonayo in laga qabto.

PUNTLAND POST