
Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Caasimada Dalka Rwanda ee Kigali kaga qayb-galay shirweynaha dalalka Afrika ee Duulista Hawada oo si rasmi ah loogu casumay Puntland.
“Waxaan maalintii labaad nooga socda Caasimada Dalka Rwanda ee Kigali shirweynaha Afrika ee Duulista iyo Hawada oo ka Dowlad Puntland ahaan casumad ka helnay martigaliyayaasha shirka” ayuu yiri wasiir Lugatoor
Shirkan oo uu daahfurey Madaxweynaha Dalka Rwanda Paul Kagame ayaa inta uu socdo ka Puntland waxay ku soo bandhigaysaa Horumarinta Garoomada iyo duulimaadyada caalamiga ah ee Puntland ka jira, Madama shirku kasoo qayb galeen in ka badan 1,100 qof oo ka kala socda 84 waddan oo isugu jira wasiirro , wakiillo, madaxda shirkadaha diyaaradaha iyo khubaro kale.
“Shirkan oo uu daahfurey Madaxweynaha Dalka Rwanda Paul Kagame ayaa inta uu socdo ka Puntland ahaan waxaa kusoo bandhigayna Horumarinta Garoomada iyo duulimaadyada caalamiga ah ee Puntland ka jira, Madama shirku kasoo qayb galeen in ka badan 1,100 qof oo ka kala socda 84 waddan oo isugu jira wasiirro , wakiillo, madaxda shirkadaha diyaaradaha iyo khubaro kale” ayuu sii raaciyay Wasiirka.






PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.