Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Kenya

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faah-faahin ka bixiyay safarka uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku joogo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in madaxweynaha iyo wefdigiisu ay Nairobi ku tageen marti qaad ay ka heleen dhiggiisa dalka Kenya, si ay ugu qeyb galaan dhaarinta iyo caleema-saarka madaxweyne William Ruto oo dhowaan la doortay.

Wuxuu sheegay wasiirku in labada madaxweyne ay khadka taleefanka ku wada hadleen,iyagoo ka sheekeystay sii xoojinta xiriirka labada dowladood iyo sidii ay isu kaashan lahaayeen, isagoo xusay inuu jiri doono kulan gaar ah.

“ Ka qeyb-galka caleema saarka ee madaxweynaha waxay tusaale u tahay sida uu usii xoogeysanayo xiriirka labada dal, loona doonayo in labada shacab iyo labada dalba ay muujiyaan iskaashi dhinac kasta ah” ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in uu jiro guddi la yiraahdo golaha iskaashiga labada dal oo iska kaashan doona dhinacyada socdaalka, dhaqaalaha, ganacsiga iyo waxyaabo kale oo danta u ah dhinacyada.

PUNTLAND POST