Sidee federaalka iyo dowlad goboleedyada u qaybsadeen $100 malyan ee Bankiga Adduunka?

Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa shirkii Golaha Wadatashiga Qaran kaga heshiiyay qaybsiga $100 malyan oo Bankiga Adduunka ugu deeqay Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay maanta wadajir u soo saareen wasiiradda maaliyadda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in 50% deeqda Bankiga Adduunka ay khiyaar u leeyihiin isticmaalkeeda dowlad goboleedyada.

Sidoo kale waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in lacagtaas 50% lagu bixinayo arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Dowlad goboleedyada ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay joojiyeen wadashaqayntii wasaaradda maaliyadda federaalka, kaddib markii ay ku fahmiwaayeen qaybsiga $100 malyan ee Bankiga Adduunka.

PUNTLAND POST