Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo lagu wado in ay kulan gaar ah ku yeeshaan Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in ay kulan gaar ah ku yeeshaan magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheikh iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray Nairobi halkaas oo ay kaga qayb galayaan caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sidoo kale ka qayb-galaya munaasabaddda Caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya waxaana la filayaa in halkaas ay shir doceed ku yeeshaan Xasan iyo Abiy.

Wararku waxay sheegayaan in dibloomaasiyiiin ka socda Soomaaliya iyo Itoobiya ay muddooyinkii danbe Nairobi ka wadeen diyaarinta Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed si la isugu soo dhoweeyo labada mas’uul islamarkaana loo dar dar geliyo xoojinta xiriirka labada dal.

PUNTLAND POST