Baarlamanka Galmudug oo mudda kordhin u sameeyayay Madaxweyne Qoor Qoor

Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta muddo kordhin hal sano ah u sameeyay Madaxweynaha maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ).

Xildhibaannada Baarlamanka Galmudug ayaa ansixiyay in muddo xileedka Madaxweynaha Galmudug laga dhigo mudda 5 sano ah.

56 Xildhibaan oo kulanka soo xaadirtay ayaa dhammaantood ogol ugu coddeeyay muddo kordhinta cusub.

Sidaan oo kale Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa dhowaan u samaystay muddo kordhin hal sano ah.

PUNRLAND POST