Ciidamada dowladda oo Al-shabaab ka saaray degaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed oo kaashanaya dadka degaanka ayaa xalay kooxaha Al-shabaab kala la wareegay degaano dhawr ah oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan.

Degaannada Al-shabaab laga saaray waxaa ka mid ah Xarar-lugoole iyo Fidow oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan, waxaana jira khasaare ka dhashay dagaalka labada dhinac.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in degaannada Xarar-lugoole iyo Fidow laga saaray Al-shabaab kadib markii halkaas ciidamada dowladdu hawlgal ka fuliyeen.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sidoo kale laga soo xigtay in ay sii wadayaan hawlgalka ka dhanka ah Al-shabaab si gobolka oo dhan looga saaro.

PUNTLAND POST