Puntland: Qarax ismiidaamin ah oo dhacay Milxo

Inta la xaqiiniyay 5 qof ayaa ku dhimatay tiro intaas ka badana waa ku dhaawacmatay qarax maqribkii ka dhacay tuulada Milxo oo ku taalla buuraleyda Calmdaow ee gobolka Sanaag.

Qaraxa ayaa ahaa mid ismiidaamin ah oo fuliyay qof waxlaha qarxa isku soo xiray, wuxuuna ka dhacay meherad cunto iyo qayilaad isugu jirta, waxaana dadkii weerarkaas ku dhaaamacmay loo qaaday dhanka magaalada Boosaaso.

Waxaa yar wararka laga heli karo tuulada Milxo, iyadoo inta badan isgaarsiinta deegaankaas ay tahay mid aan la heli karin.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa Milxo, welina kama hadlin maamulka Puntland.

Deegaanka Milxo waxaa saameyn ku leh Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Calmdow, sidoo kale waxaa mararka qaar ka dhaca shaqaaqooyin la xiriira qodista dahabka.

PUNTLAND POST