
Khilaaf ku salaysan dhinaca dhaqaalaha iyo maamulidda gargaarka banii’aadanimo ayaa ka dhex aloosan guddoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Shiikh Cali Jifa-jabsade iyo guddoomiye ku xigeenkiisa kowaad Xasan Cabdullaahi Warsame (Xasan Wardheere).
Khilaafka labada mas’uul ayaa soo shaac baxay kadib markii guddoomiyaha Gobolka Faysal Jifa-jabsade uu guddoomiye ku xigeenka labaad gobolka u wakiishay dhammaan xiriirka hay’adaha banii’adanimada ee ka hawlgala Gobolka.
Waxaase si cad uga horyimid tallaabadaas guddoomiye ku xigeenka kowaad Xasan Wardheere oo ku tilmaamay mid sharciga iyo hannaanka dowliga ah baal-marsan islamarkaana aan isaga lagala tashan.
Wararku waxay sheegayaan in xallinta khilaafka labada mas’uul ay hadda ku hawlan yihiin wasiiro ka tirsan dowladda iyo qaar kamid ah odayaasha gobolka si loo dhammeeyo is-faham la’aanta jirta.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.