HALXIDHAALAHA DIRIRTA GAASKA…QANIINYO ISKU XADKA U DHAXEEYA YURUB & RUUSHKA!

W.Q: Maxamuud Jamaal Fidhin

Muxuu helayaa Ruushku haduu waayo suuqa saliida Yurub? Maxaase Yurub kusoo kordhaya hadii ay ka kaaftoonto shidaalka dariska madaxa adag Ruushka?

Labada dacalba waxay si dhab ah u dareensan yihiin u adeegsiga shidaalka hub dagaal ahaan iyada oo uu rabo midba midka kale cadaadis u saaro, inay ka dhigan tahay sidii qof cagihiisa shiish u saran yahay oo tooganaya. Moosko hadii ay talaabaddan ku dhaqaaqdo waxay waayaysaa sumcaddeeda ah ahaanshiyaha ay tahay il shidaal oo aamin ah isla markaasna saliidda u daabusha Yurub, waa sida iyada oo si degdeg ku jiro iskugu ciqaabaysa inay iska istaajiso il dhaqaale oo u burqanaysa dhanka khasnadohooda oo ah in ka badan 130 Malyan oo doolar maalinkii marka loo eego sicirka shidaalka ee maalinlaha ah. Iyo dheefdarro gaadhaysa 20 Bilyan saddex bilood gudahood.

Yurubna waxay ku kallifaysaa inay sida u dhakhsiyaha badan u raadsadaan cawad kale oo dhakhso badan sida dib u adeegsiga dhuxusha iyo adeegsiga tamarta cusboonaata ee dabaysha iyo kasoo dhoofsashada gaaska dareeraha suuqyada kale ee adduunka, macalaa hadii waxaas oo dhami ay waqti qaadanayaan.

Yurubse laabteedu hal mid maahan, Jarmalku giraantooda dhaqaale waxay ku ridayaan qalal (Baralees), sidaas oo kale waxaa lamid ah dalalka u dhow Ruushka ee 40% ku tiirsan saliidda Moosko kuwan oo ah caksiga dalalka dhaca galbeedka fog ee Yurub sida Faransiiska iyo Isbaanishka kuwaas oo beddel ahaan u hanqal taagaya Afrika. Danahan Yurubiyaanka ee isdiidan waxay ka dhigan tahay khilaaf kasta oo lala galo Ruushka waxaa ka dhalanaya loolan Yurubta gudaheeda ah ileen marka horeba waa kala socdaan. Inta aysan soo saarin ganaaxyo dhab oo toos u bar-tilmaameedsanaysa saliidda Ruushku.

Waxayna dalalka Yurub u baahanayaan kaabayaal dhaqaale oo cusub isla markaasna la jaanqaadaya beddelada cusub taasina dabcan waxay u baahanaysaa sannado badan. Ruushka iyo Yurub waxaa dhexyaala qandaraasyo waawayn oo shidaal ah, waxayna ka dhigan tahay taas in hanti badan ay dul fuulayso dacalka u horeeya ee bilaaba inu heshiishka ka baxo oo uu buriyo qayb kamida shuruudaha heshiiska iyadoo khasaara-qayb ahaan looga qaaadayo Balaayiin Doolar, taasna waxaan ka ogaan karaa in Yurub Tirilyaan Doolar ku bixiso tamarta sannadkii. Waana ta adduunka ku khasbaysa inuu ogaado in laga hadlo dagaal ku saabsan gaasku uu iska yahay kaliya hanjabaad iyo Gaas (naqas) taasoo ku dhex bakhtiyaysa marka la gaadho dacalka danaha dhaqaale ee istaraatiijiga ah waaxdan dhaqaalena wax walba oo lagu dagaalamo waa laga reebaa.

Waxa uu bilaabay Midowga Yurub inuu daadkii xaabaale kaga dhigo ganaaxyo waawayn dhaqaalaha Ruushka, iyada oo ay la socdaan war murtiyeedyo hanjabaaddo laga dheehanayo, halka ay Ruushku ku khasbayaan waaqic Juqraafi-Siyaasaddeed ah iyadoo isku hallaynaysa kayd qalaad oo gaadhaya 630 Bilyaan oo doolarka Maraykanka ah. Iskaba daa waa hadda oo uu kacay sicirku saliidu adduunka oo dhan oo ay ku khasban tahay Yurub inay bixiso 5 jibbaarka intii hore ee ay ku iibsan jireen iyadoo Moosku ku kabaysa khasaarayaashii soo gaadhay ganaaxyada kaga dhacay badeecadaha kale.

Qofka arka wixii ka dhacay Joorjiya 2008dii, markii ay Ruushku ciidan ahaan u galay isagoo ku dhawaaqay in labada gobol ee Oosiitiyada Koonfureed iyo Abkhaasiya ay u aqoonsadeen laba jamhuuriyadood oo ka madaxbanaan. Iyo sidoo kale hanjabaadda waallida ah ee ka daba timid marka uu Ruushku jasiirad u egta kirim oo Yukrayn ah, iyo sidoo kale markii ay joogitaankooda ku balaadhiyeen hareeraha Doombaas ee Yukrayn kaasoo ka kooban labada gobo lee Logaanisk iyo Dooniskay sannado ka hor.

Wax walba oo ka soo baxa hanjabaadda waxay kugu kallifaysaa inaad dareento in daraf kastaa uusan waxba la hadhin oo uu u hanjabayo siduu doono, ugu dambayna ruushku ay sameeyaan waxay doonaan. Hal mar Saliiddu ma noqon hub la adeegsado dagaalkii qaboobaa balse waxa uu ahaa shidaalka ‘Tamarta’ hadalo shida falcelino isla markaasna ololisa bakhaarada dhuumaha iyo dab kaydiyayaasha Yurub.