Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo la kulmay Jaalliyadda reer Puntland ee Denmark

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa kulan la qaatay Jaalliyadda reer Puntland ee ku nool dalka Denmark.

Guddoomiyaha ayaa Jaalliyadda reer Puntland uga warbixiyay xaaladda guud ee Dalka, horumarrada ay ku tallaabsatay Dawladda Puntland, iyo qorshayaasha socda, isaga oo kula dar-daarmay Jaaliyadda inay kaalin ka qaataan horumarka, iyo maalgashiga dalka.

Guddoomiye Cabdirashiid ayaa ugu baaqay Jaalliyadda in ay gacan ka gaystaan u gurmashada dadka reer Puntland ee ay abaaruhu waxyeelleeyeen muddooyinkii dambe.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Jaalliyadda Puntland ee dalka Denmark Abshir Shiikhdoon ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uga war-bixiyey xaaladda Qurba-joogta reer Puntland ee ku nool dalka Denmark, kaalintooda ku aadan inay qeyb ka noqdaan horumarka, maalgashiga Puntland iyo gurmadka abaaraha.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa socdaal ku jooga maalmahaan dalka Denmark.

PUNTLAND POST