Madaxweyne Deni oo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis cusub

Cabdifataax Maxamed Cabdinuur (bidix) iyo Maxamed Cabdirisaaq Dayib (midig)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magacaabay labo wasiir oo ka mid ah Golaha Xukuumadda.

Madaxweyne Deni ayaa Cabdifataax Maxamed Cabdinuur u magacaabay Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada, wuxuuna xilkaas ka qaaday Cabdiraxmaan Cali Axmed oo loo magacaabay bishii Jannaayo ee sanadkan.

Sidoo kale wuxuu Maxamed Cabdirisaaq Dayib u magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, isagoo xilkaas ka qaaday Cabdiweli Seed Cilmi.

Hoos ka akhri wareegtada magacaabista.

Garoowe: 10 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40 ee 10-ka September 2022, kuna saabsan magacaabid Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

1. Waxaa Cabdifataax Maxamed Cabdinuur loo magacaabay Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland.

2. Waxaa Maxamed Cabdirisaaq Dayib loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

3. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


PUNTLAND POST