Laftagareen iyo Guudlaawe oo gaaray Muqdisho

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Muqdosho oo ay ugu qaybgalaan Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha Koonfur Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen waxaa si yaabo kala garoonka diyaaradaha Aadan Abdule ugu soo dhaweeyey wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin kale.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu in uu berri ka furmo shir u dhexeeye dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlo doono arrimo ay ka mid yihiin amniga dalka iyo qaybsiga lacag $100 malyan ah oo bixiyay Bangiga Adduunka.

Ilaa hadda waxaa Muqdisho gaaray madaxweynayaasha Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, waxaana weli imaan madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

Xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa xumaa tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND POST