LABA ARAGTIYOOD IYO LABA DHABBO…KADDIB SANNAD UU RA’IISI TALINAYEY DHANKEE AYAY SIYAASADDA IIRAAN U JEESATAY?

WT: MAXAMUUD JAMAAL FIDHIN

WAXAA DIYAARIYAY: MACHADKA DARAASAADKA SIYAASADDA & AMNIGA EE ALJAZEERA

HORDHACA TARJUMAANKA

Bishii Agoosto, 2021 waxa ay Iiraan yeelatay madaxwayne kamid ah nooca loo yaqaan dhaqanleyda. Mudadaas waxaa laga joogaa sannad gaw ah oo ay Ibraahim Ra’iisi iyo kooxdiisu la wareegeen dhinacyada kala duwan ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan. 5 Agoosto, madaxwayne Ra’iisi wuxuu kugutay dhaarta dastuuriga ah ee uu madaxwaynaha ugu noqday 80 Milyan oo haysta Madhabta Shiicada ku gutay gudaha xarunta (Golaha Shuurada Islaamka-The Islamic Consultative Assembly-Majles-E Showrā-Ye Eslāmī) oo ah dhismaha wayn ee Baharestan. Iyadoo ay dhaartaasi ahayd talaabada rasmiga ah ee lagu dhamaystirayay xilwareejinta waaxda fulinta ee dalka, isla markaasna lagala wareegayay Xassan Ruuxani.

Taas oo ka dhalatay markii madaxwayne Ra’iisi ku guulaystay madaxwaynaha 13aad ee jamhuuriyadda. Waxayna dhacday (Luulyo ,2021). Iyadoo ay doorashada hadheeyeen Murano badan o ka dhashay kaddib markii karkaarka la waydaariyay Hagaajiyayaasha, kaddin markii Guddiga Ilaalinta Dastuurka Jamhuuriyaddu ay diideen madaxda Xisbiga ahalliyadda ay u lee yihiin xil gudashada dalka.

UBUCDA TARJUMAADDA

Inta u dhaxaysa caqabadaha dhaqaale ee ay culaysiyeen galalka siyaasadda arrimaha dibadda iyo waaqica ka hor imaanaya himilooyinka bilowga xukunkiisii ​iyo rajadii cod-bixiyayaasha, Ra’iisi waxa uu ku dhammaysanayaa sannadkiisii ​​ugu horreeyay ee Madaxtinimada Jamhuuriyadda ee “Waddada Baastoor”, iyo xalalka uu la doonayo Dhibaatooyinka dalkiisa ayaan meeshooda ka dhaqaaqin. Hadii aynu dhexdhexaadin ku samayno caqabadaha dhaqaale, ballanqaadadiisa iyo xalkiisa, mucaaradkiisu waxay ku dhaliilayaan inuusan dan ka galin xidhiidhka qotada dheer ee ka dhaxeeya dhaqaalaha iyo siyaasadda arrimaha dibadda. Dhaleeceyntu aad bay usii laba jibbaarmaysaa markasta oo ay sii socoto qarinta xogaha ku saabsan wada hadalka ka socda Fiyeena. Halka kuwa dhaleecaynta wadaa ay ku sii jeedaan Fiyeena, caadada dowladdu kama durugsana inay ku gobolayso siyaasadda arrimaha dibadda ee Iiraan indhaha taageerayaasha iyo kuwa dhaliilsanba. Labadda kooxoodba siyaasaddahaas si togan ayay u qiimaynayaan marka loo eego tagtadii dhawayd, markii uu dalku ka fogaaday siyaasaddaha hortabinta lahaa ee siyaasaddaha arrimaha dibadda. Si walba oo ay ahaato tafaasiisha dheeraadka ah ee shaqada xukuumaddan waxaa lagu qiyaasayaa tii ka horeysay, iyadoo uu Ra’iisi kursiga fuulay isagoo dhaleecaynaya siyaasaddaha arrimaha dibadda iyo gudaha madaxii ka horeeyay. Xilhayntiisa oo sannad ahayd kaddib, kormeerayaashu waxay iswaydiinayaan waxyaabaha lagu guulaystay iyo kuwa lagu guuldarraystay inta lagu guda jiray sannadkaas. Cilmi baadhistan waxa aanu ku eegi doonaa guulahaas iyo guuldarrooyinka iyo dhumucda horumarada ay gaadhay siyaasadda arrimaha dibadda ee Xukuumada Ra’iisi.

BALLANQAADYO IYO HORUMARRO

Ma ahayn aragtida siyaasadda arrimaha dibadda ee Ra’iisi mid cusub ama ugub ah, balse waxay ka timid dood dheer oo soo dhex taagnayd Iiraan tobaneeyo sanno. Ka hadalka “Bari aadistu” wuxuu soo bilowday xilligii Madaxwayne Maxamuud Axmadi Najaad, taasoo katimid iyadoo lagu caabinayo siyaasaddaha mid kasta oo kamid ah Rafsanjaani iyo Khaatami oo u badnaa dhinaca reer Galbeedka. Ra’iisi intii lagu guda jiray ololihiisii murashaxnimada waxa uu soo gudbiyay bayaan kooban oo ku saabsan arrimaha dibadda. Nuxurka hadalkiisu wuxuu ahaa inuu aad u danaynayo gobolka oo ay soo kacday kooxda gobolku si ay u hogaamiyaan siyaasadda arrimaha dibadda ee Iiraan halka markii hore kooxda adduunku ay hogaamin jirtay siyaasaddaha xukuumada Rooxaani ee arrimaha dibadda. Ra’iisi in badan waxa uu adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la adkeeyo xidhiidhada dariska, sidoo kale wuxuu muujiyay danayn la’aan marka la joogo siyaasaddaha adduunka marka loo qiyaaso kii ka horeeyay oo dhigi jiray wax walba khaanad raacsiisan xidhiidhka lala lee yahay awooddaha waawayn ee adduunka, iyada oo bartaas laga duulayo wuxuu dhaliilay inuu dhamaan ukumihii Iiraan ku wada riday sallada ‘wada hadalka Nukliyeerka’.

Ra’iisi wuxuu u ballanqaaday Iiraanta inuu wanaajin doono xidhiidhada dariska iyo iyo inuu dhufays adag uga samayn doono dalkiisa cunaqabataynta iyo cadaadisyada galbeedka, isagoo intaas ku sii daray inuusan waxyaabaha uu dalkiisu ka helay loolanadii uu galay hoos gayn doonin wadahadallada Nukliyeerka. Marka la joogo Nukliyeerka, wuxuu adkeeyay inay xukuumaddiisa ka go’an tahay heshiisyada Nukliyeerka isagoo ka dhigay ballan ay qaaday Iiraan iyo inuu ka shaqayn doono sidii uu u dhicin lahaa Xuquuqda Iiraanta isla heshiiskaas dhexdiisa, wuxuuna yidhi isaga oo dhaliil u qarinaya xukuumadii ka horreysay: “fulinta heshiiyada Nukliyeerku waxay u baahan tahay xukuumad karaankeeda leh” sidaas daraadeed, waxaa la odhan karaa in la adkeeyo wixii horey loo saxiixay waxay dacal ka tahay aragtidiisa ku dhisan in saldhig laga dhigto arrimaha gobolka marka la joogo Istaraatiijiyadda dibadda. Intaas waxaad ku dartaa yaboohyada dawladda  ee ah in kor loo qaadi doono xidhiidhada awooddaha soo koraya ee Aasiya –taasoo lagu fasiray isku dayo la rabo in la isku miisaamo culaysyada Reer Galbeedka iyo in la muujiyo beddelada u diyaarka ah Iiraan marka la joogo fagaarayaasha dawliga hadii ay guuldaraystaan dib u soo noolaynta  heshiisyada Nukliyeerka.

Dhaqangal ahaan, waxaa la arkaa daliigta qeexan ee uu maamulku ku socdo taasoo ka kooban halku dhegyada balaadhan ee aan haddeer soo sheegnay. Balse ilaa iyo hadda maxsuulku uma soo bixin sidii la filayey ugu yaraan; waxa uu safarro ugu baxay lix sadcaal oo uusan mid kamid ah uusan kaga dhabayn ballankiisii ka dhignaa danaynta dariska iyo awooddaha Aasiya. Wuxuu Turkumaanistaan booqday laba jeer si uu uga qayb galo laba shir goboleed –Isbahaysiga Shangahaay, taasoo diiditaan badan kadib laga aqbalay Iiraan xubinnimadda joogtada ah ee ururuka, iyo shirka dawladaha kulaala Badda Qaswiin- sidoo kale Iyana wuxuu booqday mid kasta oo kamid ah Qadar, Cummaan, Daajakistaan iyo Ruushka. Sidaas si lamid ah madaxda la qaabilay halkii sanno ee uu joogay waxay ku socdeen labadaas joog ee siyaasaddiisa arrimaha dibadda. Waxaana ka tan batay in aad loo daneeyo labada aag ee dhaqaalaha iyo ganacsiga, ee kamidka ah xidhiidhada laba geesoodka ah iyo in Iiraan ballaadhiso adeegsiga loo adeegsanayo marinadeeda ganacsiga gobolka iyo ka adduunkaba. Si guud, astaamaha mudan ee diblomaasiyaddan waxaa loogu soo koobi karaa afar qaab oo waawayn:

1. In diiradda la saaro dariska: wuxuu Ra’iisi la kulmay madax gaadhaysa 12 oo dalalka dariska ah, wasiirkiisa AD wuxuu sameeyay kulammo iyo wada hadallo ka badan intaas iyadoo ay wadeen dhaqdhaqaaq diblomaasi oo firfircoon si ay iskugu soo dhawaadaan dariskooda iyo in la dhameeyo murannada oo la dhiirigaliyo wada shaqan heer gobol ah.

2. In diiradda la saaro awoodaha soo koraya: waxaa lagu tiriyaa “Bari aadistu” inuu yahay halku -dhega istaraatiijiyadda ay ku shaqayso iyada oo ka duulaysana ay ku hormarisay xidhiidhada kala dhaxeeya Ruushka, Shiinaha iyo Hindiya IQK.

3. In diiradda la saaro in laga shaqeeyo ururada gobolka iyo adduunkaba: Madaxwaynuhu wuxuu dibadda u tagay laba shir goboleed iyo mid gudaha dalka ah, maamulkiisu wuxuu codsaday xubinimada Ururka Birikis ee dalalka dhaqaalahoodu kobocu ku socdo ah, kaddib markii ay Iiraan ku biirtay ururka Shangahaay. Waxaa la odhan karaa waxay u egtahay inay Iiraan rato inay ka muuqato ururada adduunka iyo si gaar ah kuwa gobolka.

4. In diiradda la saaro horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga: qayb yar oo aan buurnayn oo kamida hab maamulka Madaxwayne Ra’iisi ayaa ku yimid in diirada la saaro balaadhinta ganacsiga, maalgashiga iyo lagama maarmaanimada ah in Iiraan gacanta ku qabato mid kamida marinada muhiimka u ah ganacsiyada gobolka iyo adduunkaba; waana waxa aadka u kacay inta uu socday dagaalka Yukrayn.

Firfircoonidaas intaas le’g oo jirta macalaa, hadana maxsuulka ka soo baxay aad ayuu uga yar yahay umana dhawa hanka uu maamulka Ra’iisi ka lee yahay siyaasadda Dibadda. Kuwa dhaliila waxaa kamid ah kuwa u arka in halku dhegyo kibir ka buuxo ay qabsadeen siyaasadda dibadda iyagoo kala wareegay dhabnimada, waxayna eed uga dhigaan inaysan wali ku guulaysan in culays la arki karo laga dul qaado madaxyada muhiimka ah ee siyaasadda maamulkakan ee dibadda: galka Nukliyeerka iyo xidhiidhka dariska. Halka ay taageerayaasha Ra’iisi ugu warceliyaan in talaabooyinka siyaasadda dibadda ee (afarta madax) ay dhabbo qumman ay ku socoto suurtaglna ma ah in la fisho afgambi ku dhaco xidhiidhada Iiraan ee dibadda inta lagu guda jiro halka sannad ee uu la wareegay Ra’iisi balse waa in loo samro, balse waxaa khasab ah in lagu sii socdo oo xoogaa badan la sugo si midhaheeda loo gooosto.

LABA ARAGTI IYO LABA WADDO

Ra’iisi iyo kooxdiisa ayaan dan ka lahayn natiijada ka soo baxday siyaasaddii arrimaha dibadda heer adduun ee madaxdii ka horeysay, taasoo diiradda saaraysay heer caalam aaminsanaydna in xalalka laga soo raro heerkaas oo la keeno ilaa heer gobol kaddib marka la soo afjaro isku dhacyada reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka. Ra’iisi ayaa u arkayay ku tiirsanaanta Mareykanka ee heshiiska Nukliyeerka iyo fashilinta Maraykanku ay sabab weyn u tahay xoojinta cunaqabateynta Taraam iyo “cadaadiska ugu badan” (Maximum Pressure) ee ay la kulmayso Iiraan. Dhaliilahani waxay ka soo jeedaan laba aragtiyood oo ku loolamaya doodaha gudaha ee lagu go’aaminayo xajmiga doorka Iiraan, heerka awoodeeda, iyo habaynta mudnaanta dibadda. Kala qaybsanaanta sooyaalka cusub ee Iiraan wuxuu bilaabmayaa intii lagu guda jiray dirirtii Iiraan-Ciraaq isagoo sii kordhaya kaddib dhimashada Hogaamiyaha Kadoonka Islaamiga ee Iiraan, Aayadda Ilaahay Iyo Ruuxdiisa Khumayni (Aayatullaah Waruuxullaah Al Khumayni) markaas oo uu hogaamiyaha sare ee kacaanku uu arimahaas ku xallin jiray saamayntiisa iyo awoodiisa isagoo ilaalin jiray isu dheelitIiraanka siyaasadeed ee gudaha, wuxuu kala dhambalay soo koritaanka Rafisjaani Haashimi sagaashamaadkii kursiga looga arrimiyo dalku isku dheelitIiraantaas iyadoo ay la soo koreen farsamayaqaano (Tiknoogaraadiin) kula jiray xisbiga “Kaarkasaaraan Saasandaki-Waxgaradka dhismaha”. Oo uu hogaamiyo isla madaxwayne Rafisjaani, waxaana la wiiqay awoodii kooxda dhexdhexaadka ee isku miisaami jiray u furfurnaanta reer Galbeedka. Lagama maarmaanka xilligani waxay u gurmanaysay Rafisjaani inuu joogteeyo taas. Isagoo jaangooyay in “Dib-u-dhiska” dalka la siiyo mudnaanta koobaad amminta ka dambaysa dagaalka iyadoo waayihisii lagu tilmaamo xilligii dhismaha. Sidoo kale wuxuu qabay fikir ah in la dhimo cadaawadda loo hayo reer galbeedka iyo in hoos u dhigida farqiga baahsan u dhexeeya deriska ay lagama maarmaan u tahay imaanshiyaha maalgashi shisheeye oo dhisa dhaqaale adag.

Aragtida tijaabada ah ee Rafisjaani waxay soo koobaysaa kala duwanaanshiyaha

Aragtida ku saabsan waayo-aragnimada Rafsanjani ayaa soo koobaysa faraqa u dhexeeya maamullada Rooxaanii iyo Ra’iisi. Rooxaani, oo aad ugu dhow Rafsanjaani, taageerana aragtidiisa, wuxuu u arkay in xiriirka IIiraan la leedahay (Silsiladda Sahayda Caalamiga Ah-Global Supply Chain) ay lama huraan u tahay dib u soo nooleynta dhaqaalaha Iiraan. Si taas loo gaaro, wax dhib ah uma uusan arkayn inuu dib uga noqdo qaybo kamid ah madax-bannaanida Iiraan iyadoo lagu doorsanayo jabinta go’doonka caalamiga ah ee ay ku jirto. Aragtiyahannada aragtidiisa waxay qabaan in madax-bannaani dhamaystIiraan aanay suurtogal ahayn xilli dhammaan dhinacyada nolosha ee adduunku ay isku xidhan yihiin. Sidaa awgeed, Rooxaani waxa uu ku dhaqaaqay qaabkaas maskaxeed ee xeeldheerayaasha Rafsanjaani ay bulukeetigiiisa koobaad dhidbeen, oo uu ku jiro Rooxaani laftiisu. Sannadkii 2015-kii, Iiraan waxay ka noqotay qayb ka mid ah madax-bannaanideeda –xaqa ay u leedahay inay si nabdoon u bacrimiso islamarkaan sharcigu u ogol yahay- si ku meel-gaadh ah, iyada oo beddeleysa in la hakiyo cunaqabataynta dhaqaale, ujeedaduna ay tahay “in Iiraan lagu daro dhaqaalaha caalamiga ah”, isla taas oo ka dhigan, in Iiraan lagu xidho (Silsiladda Sahayda Caalamiga ah Global Supply Chain).

Si taas loo gaadho, waxaa lagama maarmaan noqotay in lala hadlo awoodaha adduunka si loo yareeyo khilaafaadka kala dhaxeeya marka koobaad, iyo in la aqbalo doorka iyo booska ay Iiraan ku leedahay Silsiladda Sahayda Caalamiga Ah marka labaad. Haddaba, wada-xaajoodka Nukliyeerka ayaa ku billowday si xooggan oo aan horay loo arag ilaa sooyaalka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, waxayna sii socdeen illaa laga soo afjaray heshiiskii Nukliyeerka ee 2015-kii. Si kastaba ha ahaatee, yididiilada laga qabo heshiiska iyo maxsuulaadka ku xiga ee kala ah; Horumarka dhaqaale iyo ku biiritaanka Iiraan ee dhaqaalaha adduunka ma sii waarin. Natiijooyinkii ka soo baxay dublamaasiyadda caalamiga ah ee Rooxaani kama ay duwanayn tii ka soo baxday siyaasaddihii Rafsanjaani. Waxaa sii xoogeysatay cunaqabateynta Mareykanka kaddib markii Iiraan ay joojisay howlaheeda Nukliyeerka ayna aqbashay kormeer aan horay loo arag oo ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Dhanka Ra’iisi, oo dhaliilsanaa siyaasaddaha Rooxaani, isla markaasna xilligii ololaha doorashada aan qarin jirin sida uu uga soo horjeedo “Mad-habta Rafsanjaani”, iyo sidoo kale jaallalkiisa muxaafidka ahiba, wuxuu ka soo horjeedaa in dib looga noqdo reer galbeedka si loo gaadho dano ku meel gaar ah. Sida ay uga soo horjeeddeen kooxdani “Mad-habta Rafsanjaani”, waxay sidoo kale ka soo horjeesteen tanaasulaadkii xukuumadda Ruuxaani ee heshiiska nukliyeerka. Waxaa la odhan karaa in la dhimo odoroska taban ee awoodaha waaweyn ay ku majaro habaabin karaan madax-banaanida dalka inay tahay dhidibada waaweyn ee ay ku taagan tahay siyaasadda Ra’iisi, taasina waxa ay la xidhiidhaa kalsooni la’aanta ka haysata dhinacyada reer galbeedka ee “xakameeya ururada caalamiga ah”. Intaas kaddib, waa aragti soo jabhadaynaysay tan iyo siddeetameeyadii oo kartay inay soo haysato saameyn la aqbali karo iyo ta uu xafiiltanka shacab badsiga ah kala dhaxeeyo ee aragtida dib-u-habaynta. Maaddaama Ra’iisi iyo kooxdiisu ay ku dhaleeceeyeen maamulkii hore inay saxiixeen heshiis nukliyeer ah oo “aan dheeli tirnayn”, wuxuu isku dayayaa – sida uu qabo aragtida maamulkiisu – inuu kusoo daro xoogaa dheellitirnaan ah heshiiska Fiyeenna, ilaa iyo hadda guuldarro ayuu ku socdaa.

Marka la eego fikirka guud, halka uu Ra’iisi siyaasaddayda arrimaha dibadda u arko goob weyn oo looga hortagayo caqabadaha dhaqaalaha Iiraan, Rooxaani wuxuu u arkay inay tahay goobta ugu weyn wuxuuna asal ahaan diiday suurtogalnimada in la soo afjaro fidnooyinka dhaqaale xumada iyada oo aan laga soo galin iriddihiisa ugu weyn, –xalinta khilaafaadka gaar ahaan reer galbeedka iyo Maraykanka, waxaana sabab u ah kalsooni darada reer galbeedka ee ku wajahan madax banaanida dalka Marka loo eego aragtida muxaafidka ah. Ra’iisi iyo kooxdiisa ayaa gobolka siinaya mudnaan ka badan tii dowladihii hore, waxayna isku dayayaan inay sare u qaadaan xiriirka ay la leeyihiin quwadaha soo koraya ee Aasiya oo ay ugu horeeyaan Shiinaha iyo Ruushka.

CAQABADAHA DAWLIGA AH & DIBLOMAASIYADDA GOBOLKA

Waa ilbidhiqsiyada ay gobolleydu Dehraan ku talinayaan oo madaxweyne ka doorbida siyaasadda gobolka tan adduunka oo dhan marka la eego siyaasadda arrimaha dibadda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku takhasusay arrimaha Carabta kuna hadla afka DAAD iyo madaxa Golaha Sare ee Amniga Qaranka oo ka soo jeeda Carabta laga tirada badan yahay ee degta Iiraan. Waxa uu door iyo waayo-aragnimo sodon sano ah ku leeyahay xiriirka Iiraan-Carabta, dhawaanahan dadkaa laga tirade badan yahay waxaa lagu daray afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan. Magacyadan, ayaa ugu muuq iyo mudnaan badan dugsiga gobolleydu, iyo kuwa kale oo raacsan, oo uu ku jiro Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxay u arkaan “heerka gobolku inuu yahay bar-bilawga laga hagaajin karo Arrimaha Siyaasadda Dibadda.” Qoladani waxay sidoo kale dhaleeceeyaan “Diirada ay saarayaan tartamayaashooda caalamiga ah quwadaha waaweyn, iyagoo u arkay heer wiiqaya awooda iyo mawqifka Iiraan marka reer galbeedka la hor joogo… Xallinta arrimaha gobolka ee deriska iyo tartamayaasha gobolka ku yaalla waxay sare u qaadaysaa dheelitirka iyo miisaanka waddanka ee la dhaqanka dalalka Reer Galbeedka, waxayna koobaysaa maalgashiga ay kuwan dambe (Reer Galbeedka) ku wadaan iska horkeenka Islaamka kala iyo Iiraan lafteedaba.

Mudnaanta goboleysigu kama aysan duwanayn saadaasha caqabadaha caalamiga ah ee ah in gobolleyada Dehraan inay diiradda saaraan Fiyeena; oo ah beddelka qaabka uu jecelyahay maamulka madaxwayne Ra’iisi: gobolka. Inkasta oo Dehraan ay had iyo jeer kala fogayso siyaasaddeeda gobolka & gorgortanka Fiyeena, waxay u muuqataa in wada xaajoodyadaas inay ku kibrayaan oo xukumaan waqtiga iyo natiijooyinka ka soo baxa gobolaynta. Bilawga wadada gorgortanka gobolka ka hor inta aysan Vienna gaarin natiijo gaar ah macnaheedu maahan sinaba madax banaanida wadadaas dhigeeda caalamiga ah. Waxa muuqata wakhtiga ay bilaabmayaan wada xaajoodyada gobolka oo ay hormuud ka tahay Iiraan iyo Sucuudiga oo dhinac ah, iyo gaabisnimada Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo kuwa kaleba ay si qoto dheer uga sii dhex dhaadhacayaan Tehran, dhinaca kale, kuwaas oo qaarkood Iiraan ayaa u sabab ah sugitaanka wadamadaas natiijada Vienna si ay u gaarto go’aanka kama dambaysta ah, in goboleysigu sii wadi doono inuu ka cabo miisaanka cabbirka caalamiga ah.

Ilaa hadda, shan wareeg oo wadahadal Iiraan-Sucuudiga ah ayay soo agaasintay Ciraaq, ma aysan foolan wax ka wayn warmurtiyeed istaajinaya hadalada xanafta leh iyo shaydaan iskugu yeedhista. Waxaa jirta rajo aan mugdi kaga jirin dhank Dehraan, taasoo u muuqatay ku adkeysi ay saraakiisha Iiraan u muujiyeen waxtarka wada xaajoodka, balse waxaa wax walba gidaarka ku dhufatay karti la’aanta dhinaca Sacuudiga, oo ka leexday hadalkisii yididiilada wanaagsanaa inkastoo jawiga guud ee wada xaajoodku uu tognaa. Dhexdhexaadinta kale ee la sheegayo in ay bilowday Ciraaq ee u dhaxaysa Iiraan, Urdun iyo Masar ayaa ah kuwo qarsoodi ah ilaa hadda, mana muujinayso wax dhaafsiisan gabi dhaclaynta ay gaadhay wadaxaajoodyada Iiraan-Sacuudiga.

Kuwa rumaysan (Madhabta Adduunaysiga) ah ayaa weli ah kuwa si weyn u dhaleeceeya habka gobollaysiga ee maamulka Ra’iisi. Waxay aaminsan yihiin kuwaasi in “heerka ugu fiican ee wax ka qabashada arrimaha dibadda uu yahay heerka caalamiga ah uun, maadaama xallinta khilaafaadka Iiraan ee quwadaha caalamiga ah ay furayso albaabo ballaadhan oo lagu xalliyo khilaafaadka heerarka kale, oo ay ku jiraan kuwa gobolka”. Waxay ku dhaleeceeyeen maamulka Ra’iisi inaysan siinin wada xaajoodka Nukliyeerka tixgalintii loo baahnaa oo ay ka aadeen dhanka gobolka. garabka Ra’iisi ayaa ku jawaabaya in maamulkoodu uu si is dhinacyaal u wada raadinayo labada waddo si uu uga hortago in ay soo noqdaan khaladaadkii Ruuxaani iyaga oo aan dhex dhexaad ka dhigin (dagaalka ka saarin) kooxaha isku haya gobolka ee Iiraan intii lagu guda jiray wada xaajoodka nukliyeerka iyo saameynta taban ee ay ku yeesheen heshiiska nukliyeerka. Waxay sidoo kale nimankani u arkaan in awoodda Iiraan ee heer adduun, gaar ahaan marka la joogo wada xaajoodka Fiyeenna, ay awooddaas balaadhani ka bilaabato gobol deggan iyo xiriir wax ku ool ah oo ay la yeelato deriska. Halka kuwa dhaleeceynayaa aysan diidanayn mandiqa ay leeyihiin nimankan gobolleyda ahi, haddana waxay ku adkaysanayaan in gobolku uusan horay-u-marin karin ama uusan dib-u-dhigi karin go’aankaasna uu yahay mid caalami ah oo saameyntiisa ku yeelan doono gobolka oo ay ku jiraan xiriirka Iiraan iyo dalalka Carabta.

Inta u dhaxaysa labada maangal, waaqicu wuxuu qabaa inuu jiro horumar u dhexeeya labadooda; waatan oo maamulka Ra’iisi uu u jilbi daatay muhiimadda ay leedahay gorgortanka Fiyeenna inkastoo uu mudnaanta siin jiray gobolka. Sidoo kale horumarka yar ee ka jira dhinaca gobolka ayaa muujinaya maamulka u hoggaansanaanta leh ee mudnaantaas siinaya iyadoo ay hor istaagayaan lagama maarmaanadda xilligan.

RA’IISI OO DHEX TAAGAN DUNI ISDOORIN BADAN

Doodda ku saabsan “in loo jeesto bari” waxay bilaabatay xilligii madaxweyne Axmadi Najad. Istaraatiijiyadani waxay leedahay saddex fogaal arag iyo saddex macne. Marka hore, iyo si koobanba, waxay Iiraan u tahay beddelka heer caalami ah ee diidmada qayaxan waddamada reer galbeedka ay ku hayaan soo afjaridda go’doominta dhaqaale iyo siyaasadeed ee Iiraan. Taasi waa, waxay siinaysaa Iiraan suurtogalnimada inay horumariso mawqifkeeda heerka caalamiga ah si ay uga diga rogato nidaamka ay maamulaan waddamada reer galbeedka. Midda labaad: Waxay Iiraan u furaysaa irrido dhaqaale oo awood u siinaya inay hoos u dhigto saamaynta cunaqabataynta dhaqaale ee Maraykanku saaray, marka hore, waxayna u suurtagelinaysaa Dehraan inay keenaysaa maalgashi ay ku horumariso waaxdyaheeda dhaqaale ee muhiimka ah ee ka ciqaaban dhanka Galbeedka, marka labaad. Dhinaca saddexaad, istaraatijiyadani waxay muujinaysaa danaha caalamiga ah ee Iiraan ee xilligan kala-guurka ah waxayna ka dhigan tahay, waxa ay ka dhigan tahay, oo macna ahaan ah, la jaanqaadida Iiraan iyo quwadaha soo fuulaya awoodda adduunka (Shiinaha oo markii koobaad & Ruushka oo kaalinta labaad ah) kuwaas oo hortaagan quwadaha waaweyn (Gobollada Midoobay ee Maraykanka). Waa duni is-dhalanrogtay sida ay u arkaan maamulka Ra’iisi iyo mayraskoobkooduba, sidaas darteed waxay ku xisaabtamayaan inay usoo dhawaato dadka mudnaanta ku leh ee nidaamka caalamiga ah ee soo dhaladkiisu socdo hadda.

Waxa kale oo suurtogal ah in laga hadlo xeeldheerida gudaha jirta ee “bari u bixista”. Dhanka hore ee labada kooxood “Hagaajiska” iyo “Dhexdhexaadka”  eegalbeedka, dhaqanleydu waxay isku qiyaasaan inta ay jirto aadista jihada bari. Tusaalaha isku dheellitirka janjeersigan, waa iskusoo aadka iskaashiga ciidan ee Ruushka iyo Iiraan ee ka dhacay Suuriya iyo Saxiixa heshiiska nukliyeerka, sanadda 2015, waxa loo qaadan karaa isku day lagu doonayo in lagu miisaamo labada hab ee siyaasadda arrimaha dibadda ee gudaha dalka taal. Sidaas daraaddeed hadafka siyaasadda dawliga ah ah ee Ra’iisi waxa loo qaadan karaa in la isku dheellitiro gudaha iyo dibaddaba –oo aanay daruuri ahayn in loo janjeero dhinaca bari. Iyo isku dayga sii socda ee maamulkiisu ku doonayo inuu ku nooleeyo heshiiska nukliyeerka ayaa caddaynaya isbeddelkan, halka kuwa kale ay u arkaan aragtidan sawir aan maangal ahayn oo aan muujineynin kalsooni la’aanta buuxda ee dhaqdhaqaaqa muxaafidka ah uu ka qabo dalalka reer galbeedka iyo ururada caalamiga ah. Mid kasta oo aan qaadano, istaraatiijiyadan lama ilduufi karo oo waxay udub dhexaad u tahay siyaasadda dibadda ee Ra’iisi. Sida ku cad, waxa lagu soo gebagebeeyey heshiiskii shan iyo labaatanka sannadood ee Shiinaha lala galay, kaas oo dadka qaarkii u arkayeen guul aan hore loo arag, halka ay kuwo kale ka hor yimaadeen iyagoo u tilmaamay dib u gurasho ka dhan ah madaxbannaanida istiraatijiyadeed ee waddanka oo ah isa tay ku ololaynayeen muxaafidku. Heshiiskii qabyada ahaa weli lama daabicin si aan labada aragtiyood go’aan ugu kala gaadhno, balse kama baxayn qaybsanaantii aan haddaaya soo sheegnay ee u dhaxaysa dugsiga caalamiga ah, kaas oo ku dooda in mudnaanta la siiyo xallinta khilaafaadka reer Galbeedka iyo dugsiga gobolka oo u arka heerka caalamiga waxyaabo ay keensatay xilligan ku meel gaarka ah iyo sida qaab-dhismeedka labaad ee siyaasadda dibadda.

Markii la soo gabagabeeyay heshiiskii Iiraan-Shiinaha sanado badan oo wada xaajood ah oo Hoo iyo Maya ka dib, waxaa bilaabmay wada xaajoodka Iiraan-Ruushka iyagoo doonaya in la gabagabeeyo heshiis kaa hore la mid ah. Waxaa jira heshiis ku salaysan iskaashi milatari oo u dhexeeya Iiraan iyo Ruushka kaas oo socday muddo labaatan sano isla markaana dhacay bilo ka hor. Maamulka Ra’iisi ayaana isku dayay in uu kordhiyo oo uu ku daro dhinacyo kale oo aan militari ahayn, taas oo Ruushku aad ula dhacay oo u soo dhaweeyay. Booqashooyinkii uu Ra’iisi ku tagay Ruushka iyo Buutina ku yimid Dehraan waxa ay saamayn ku yeelatay ballaadhinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo in la jaan-gooyo heshiiska soo socda ee la dhammaystirayo. Waxaa cad in dagaalka Ruushka-Yukrayn iyo cunaqabateynta ku dhacday Ruushka ay door muhiim ah ku leeyihiin damaca Moosko ee ah in ay ballaariso iskaashiga Dehran oo iyada lafteedu ka cunaqabataysan dhan reer Galbeedka; Ganacsiga gobolka intiisa kale ayaa kordhay 40 % qeybtii hore ee 2022. Isku-dubbaridka laba geesoodka ah ayaa kordhay si loo xakameeyo saamaynta cunaqabatayntu ku yeelanayso labadooda dhaqaale, oo ay ku jirto isticmaalka lacagaha qaranka (Mid walba lacagta dalkiisa) ee ganacsiga is-dhaafsiga halka markii hore dollarka ay adeegsan jireen, tusaale ahaan. Dagaalka yukrayn lagu hayo awgeed macalaa waxa kale oo uu keenay in Yukrayn ay Iiraan u adeegsato marinka dhulka ah oo isku xidha Badweynta Hindiya iyo Kawkaasta, halkaas oo ay badeecadeheeda ugu sii gudbin kadho Ruushka iyo Yurub, kuwaasi oo iska xumaaday waayihii hore, maxaa yeelay Ruushka iyo reer Yurub ayaan u hamuun qabin.

In kasta oo “Bari aadistu” aysan ka dhignayn jiho cusub ee ay jeexday xukuumadda Ra’iisi, hase ahaatee; waaqica dawliga ah iyo ka go’naasho gudaha ah ayaa ka caawin doonta maamulkiisa inuu horumar ka gaadho ballaadhinta iskaashiga quwadaha Aasiya. Marka la eego heerka adduunka, isku dhaca Mareykanka iyo Ruushka haddana Maraykanka iyo Shiinaha ayaa gaaray xad aan hore loo arag, taas oo kordhinaysa xadka loogu talagalay awoodaha dhexe ee madaxbannaan sida Iiraan oo kale si ay u ciyaaraan doorka u dhexeeya tirarkan. Dhanka gudaha, aragtiyo xunxun ayaa Iiraan ku haysta magaca reer Galbeedka iyo waxa la xidhiidha taas oo ka dhalatay natiijada ay u leexatay ama ka soo baxay heshiiskii Nukliyeerka iyo ballamihii Maraykanka ee jabay. Waxa kale oo jirta isku raacsanaan rasmi ah oo ay keentay doorashadii madaxtooyadu sannadkii hore, taas oo u ogolaatay xukuumaddu inay “bari u baxdo” si ka hawl yar tii ka horreysay. Waa isgoys adag oo uu taagan yahay xidhiidhka dawliga ah ee Iiraan, oo ay natiijadiisu –wax kasta oo ay noqoto – ay saamayn doonaan dhinaca ay aadayso Siyaasadda Arrimaha Dibadda Iiraan tobanleyda soo socda.

GUNAANAD

Madaxweynaha Iiraan, Ibrahim Ra’iisi; waxa uu xukunkiisa ku bilowday yididiilo aad u weyn taasoo u muuqatay mid sarraysa intii uu ku jiray ololihii doorashada si uu u wanaajiyo xaalada dhaqaale iyo in la yareeyo cadaadiska saaran muwaadinka Iiraan. Dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda, waxa uu tilmaamay kaalmo uu ku diiradda saaray sidii ay dawladda uga caawin lahayd yoolkeeda dhaqaale iyo sidii loo dhimi lahaa culayska ka imaanaya siyaasadda arrimaha dibadda. Isku soo dhawaanshiyaha deriska ayaa kaalinta koobaad iska leh, waxaana raacay “Bari aadista”, iyagoo ah labada siyaasadood ee seeska u ah Siyaasaddaha Madaxwayne Ra’iisi. Habkaasna waxaa ku yimid Diirada saarista dublamaasiyadda dhaqaalaha iyo ka shaqaynta qaabdhismeedka hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka si gaar ah. Runtii, booqashada madaxweynaha ee dibadda iyo soo dhaweyntiisa hoggaamiyeyaasha soo booqday Dehraan waxay muujinayaan sida ay uga go’an tahay mudnaantaas. Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqada iyo waaqica caalamiga ah ayaa ku cadaadiyay madaxwayne Ra’iisi runta isagoo ku kallifay inuu wax ka beddel ku sameeyo mudnaanta xukuumadda ee arrimaha dibadda, taas oo ku qasabtay in ay fiiro gaar ah u yeelato wada xaajoodka Fiyeenna oo khasab ugaga dhigay mudnaanta koowaad. Si kastaba ha ahaatee, danayntaas gaarka ah kama horisataagayso waaqica dhabta ah ee isbeddellada aadka u waaweyn ee ay dawladdu ka waddo gobolka iyo ilaa heer adduumba. Ku biiritaanka Iiraan ee ururka iskaashiga SHANGAHAAY iyo soo gudbinta codsiga ku biirista kooxda BRICS ayaa ka tarjumaysa ku adkaysiga Iiraan ee ku biirista ururo ka fog gacanta iyo cadaadiska reer galbeedka. Sidoo kale, la dhammaynta heshiiska iskaashiga istiraatijiyadeed ee Shiinaha iyo wadahadalka ay la gashay Ruushka si loo dhammeeyo heshiis kaa Shiinaha la mid ah oo ay la gasho ayaa lagu tiriyaa laba arrimood oo bar-bilow u ah la macaamilka Iiraan ay la yeelanayso quwadaha adduunka ee waaweyn. Siyaasadda noocan ah si daran ayaa loo dhaliilaa dhanka kalena waxay leedahay taageerayaal daacad u ah. Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa xilli dhexyaal u ah oo–kaba sii fiicane- jaangoonaysa muuqa iyo astaamaha ay yeelanayso siyaasadda arrimaha dibadda ee Iiraan tobanleyda soo socda.