Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay hawlgal qorshaysan oo Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dowladdu ka fuliyeen degaanka Mubaarak oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu beegsaday xarun ay leeyihiin dagaallamayaasha Al-shabaab.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in hawlgalkaas lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab halka qaar kalena lagu dhaawacay.
Dad shacab ah oo Al-shabaab af-duub u haysteen ayaa sidoo kale waxyeello ka soo gaartay hawlgalka sida ay xaqiijisay dowladda.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.