Axmed Madoobe oo ka dagay Muqdisho

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaaladda Muqdisho, hallaas oo uga qaybgeli doono shir u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka, xildhibaano labada gole, mas’uuliyiin ka socotay xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisal Wasaaraha ayaa madaxweynaha Jubaland kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka iyadoo wafdi Madaxweynaha ay kamid yihiin xubno katirsan labada gole ee Dowlada.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada Federaalka ah iyo dadweyne kala duwan.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in shirka Muqdisho diirada lagu saarayo arimaha amniga dalka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed iyo heerarka kala duwan ee Dowlada Soomaaliyeed ay ugu diyaar garoobi lahayeen isku tashi amni si xal looga gaaro dhibaatada amniga Soomaaliya.

Xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa xumaa tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND POST