Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo looga hadlay dardargelinta hannaanka dimuqraadiyadda

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin dardargelinta hannaanka dimuqraadiyadda iyo xaaladda abaaraha.

Qoraal ka soo baxay Maxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Warbixinta Amniga, Saameynta Abaarta iyo halka uu marayo Gurmadku, dardargelinta hannaanka dimuqraadiyadda Puntland iyo warbixinta Safaro xubno Golaha Wasiirada ah ay ku tageen deegaano ka mid ah Gobollada Nugaal, Karkaar, Sanaag, Haylaan, Bari iyo Gardafuu”.

Madaxweynaha Puntland oo shalay ka hadlay munaasabad ka dhacday xerada ciidamada 54-aad ee Garoowe ayaa sheegay inta muddo xiliyeedkiisa ka hartay inuu ka shaqeyn doono dimuqraadiyadda iyo in Puntland laga raro nidaamka qabiiliga ee lagu dhisay 1998.

PUNTLAND POST