Dowladda Shiinaha ayaa ugu baaqday beesha caalamka in intii karaankeeda ah ay ka hortagto musiibo bini’aadantinimo oo ka dhacda dalka Soomaaliya oo ay in muddo ah soo wajaheen abaaro saameeyay nolosha ku dhawaad kala bar dadkeeda.
Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Dowladda Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Dai Bing ayaa mar uu Golaha Ammaanka kaga hadlay arrimaha Soomaaliya waxa uu sheegay in Dowladda Shiinaha ay taageereyso dadaallada Qaramada Midoobay ay ku dooneyso in gargaar deg deg ah lala soo gaaro Soomaaliya, wuxuuna Beesha Caalamka ka codsaday in la kordhiyo gargaarka Soomaaliya si ay uga hortagto masiibada bini’aadmiga.
Waxa uu sheegay in Shiinaha ay soo dhaweynayaan Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka si ay Soomaaliya uga gudubto marxaladda adag, isla markaana ay ku dhimayso deymaha lagu leeyahay.
Wuxuu sheegay in Shiinaha uu Soomaaliya la gaaray heshiis ah in la gaarsiiyo gargaar cunto oo deg deg ah, ayna sii wadi doonaan caawinta Soomaaliya ee wax ka qabashada abaaraha iyo yareynta dhibaatooyinka musiibada.
PUNTLAND POST